Madaxweyne Shariif Xasan Oo La Kulmey Wasiirka Arimaha Dibadda Ethiopia.

0
94

Addis Ababa (RKGS) Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulan gaar ah magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya kula yeeshay iyo Wasiirka Arimaha Dibadda itoobiya Mr.Tedros adhanom.

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka ka dhexeeya Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowlada itoobiya iyo arrimo kale oo gobolka ku saabsan.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulankaasi waxaa uu uga mahadceliyey dowladda Ethiopia doorka ay ka qaadaneyso nabadeynta Guud ahaan  Soomaaliya Gaar ahaan Gobolada KG Soomaaliya iyo sidii amniga gobolka loo sugi lahaa.

Wasiirka Arimaha Dibadda Dowlada Itoobiya Mr.Tedros adhanom ayaa isna mar kale uga mahadceliyey  Booqasha Wefdi KG Soomaaliya ay ku yimaadeen Dalka Itooboiya, isagoo dhanka kalena ku amaaney dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto xasliinta Degaanada KG Soomaaliya iyo Guud ahaan taagyeerida Geeda Socodka Nababada Soomaaliya ee Doorashada 2016.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowlada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya Mr. mas’uuliyiin kale oo soctey, Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha  Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Mr.Tedros adhanom ayaa Sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa how’galada ay sida wada jirka ah uga wadaan ciidamada dowlda  KG Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada dalka Itoobiya qaybo ka mid ah Gobolada Soomaaliya, Gaar ahaan 3 Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne  Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Mr.Tedros adhanom ayaa isla gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa calaaqaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Itoobiya, ayna ka wada shaqeeyaan mashruucyo fududaynaya wax soo’saarka labda shacab Ee Itoobiya iyo KGS, sida dhismaha wadooyinka iyo la dagaalanta Maleeshiyada Mayalka adag ee soomaalida ah ee  Al-shabaab.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada:-

received_276181096082070 received_276181119415401 received_276181159415397 13681956_277278799305633_346309285_o received_277371112629735 received_277371145963065 received_277370792629767

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here