Madaxweyne Sisi: Masar waxay taageeraysaa midnimada Soomaaliya iyo soo celinta xasiloonida dalka.

0
55

Kigali (RKGS) Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah Al Sisi ayaa ku dhawaaqay in dowladdda Masar ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada soo celinta xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya.

Hadalka madaxweyne Sisi ayaa yimid kadib markii uu magaalada Kigali ee dalka Ruwanda uu kula kulmay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud xilli ay ka qeybgalayeen shir madaxeedka midowga Afrika oo Kigali ka socda.

Sidoo, kale madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al Sisi ayaa dhigiisa Soomaaliya u xaqiijiyay in ay sii wadayaan taageerada dhinac kasta leh oo lagu horumarinaayo Soomaaliya sida uu xaqiijiyay afhayeenka madaxtooyada Masar Calaa Yuusuf.Calaa Yuusf.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Masar ku bogaadiyay taageerada iyo garab istaaga Soomaaliya, caawimaada farsamo oo Masar ay siiso Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here