Madaxweyne Xasan Sh. oo Ammanay Shacabka iyo Ciidamada Soomaaliyeed

0
89

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in howsha Martigalinta Shir-Madaxeedkii Urur-Goboleedka IGAD ee shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho uu ahaa dadaalka ay sameeyeen shacabka iyo Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in la sugay amniga magaalada iyo goobta uu shirku ka dhacayay, isagoo mahadcelin u jeediyay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, oo kaashanaya kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, wuxuuna intaasi ku daray in cadowga Ummadda Soomaaliyeed uusan ogolaan lahayn in Soomaaliya ay marti geliso shir heer sare ah.

“Soomaaliya way ku qabsoomayaan shirar kuwan oo kale oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana shacabka uga mahadcelinayaa sida ay u muujiyeen dulqaadka muddada uu socday shirka IGAD iyo intii lagu guda jiray marti gelinta shirka oo ay waddooyinka u xirnaayeen xaqiijinta amniga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxaweynaha isagoo ka hadlaayay kulan gaar ah oo yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Kenya Mr: Uhuru Kenyatta waxa uu yiri,“Madaxweynaha Kenya waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, waxaana isku afgaranay arrimo badan oo labada dal khuseeya”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here