Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo xileedkiisii sharciga ah ay maanta dhammaatay (Warbixin)

0
87

mogadhisho (RKGS) Maanta oo kale afar (4) sanno ka hor ayey aheyd markii Madaxweynaha iminka waqtigiisu ka dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud uu ku fadhiistay kursiga Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya ( Villa Somalia) , xilligaasoo aheyd markii ugu horeysay ee uu ka soo dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya si rasmi ah.

Guushii Xasan Sheekh Maxamuud ee Madaxtinimada sanadkii 2012 waxa ay filan-waa ku noqotay dad badan oo saadaalinayay siyaasadda iyo shaksiyaadka xilligaasi loolamayay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga guuleystay wareeggii u dambeeyay doorashada Madaxweynihii KMG ah ee xilligaasi xukunka hayay Shariif Sheekh Axmed oo siyaasadda kaga soo biiray dhanka Isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya ee lagu aas’aasay dalka Eritrea , kaasi oo ka dhashay kala qeybsan-kii Maxaakimta Islaamiga iyo Ururka Al Shabaab.

Dadka qaar ayaa kuu sheegaya in marka la is barbar dhigo Madaxweynayaasha kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed , in uu dhaq dhaqaaq iyo waxqabad balaarnaa Madaxweynihii KMG Shariif Sheikh oo hadda la saadaalinayo inuu ku dhawaaqo damaciisa markale kursiga Madaxtinimo ee dalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here