Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Mar Kale Magacaabay Guddiga Doorashooyinka 2016.

0
79

Muqdisho (RKGS) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale soo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kadib markii laga diiday Guddigii uu soo magacaabay laba todobaad ka hor.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku soo magacaabay Guddigan oo ka kooban 22 xubnood, si ay garwadeen kaga noqdaan Doorashooyinka Guud ee sanadkan ka qabsoomaya dalka.

Guddigan 15 ka mid ah waxa ay yihiin rag, halka 7-da kalana ay dumar yihiin, waxaana magacaabidoodu lagu saleeyay heer federaal iyo heer gobolba, sida ku cad wareegtadan.

Guddigan ayaa waxa ay hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faah faahsan, jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.

Madaxweynaha ayaa bartamihii bishan magacaabay Guddiga doorashooyinka oo ay ka dhex muuqdeen sagaal Wasiiro ka socday Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada, inkastoo markii dambe wasiiradaas laga saaray.

Siyaasiyiin badan ayaa durbaba ka soo horjeestay xubnaha ku jiray guddiga doorashooyinka ee horay Madaxweynaha uu soo magacaabay, kuwaasoo loo arkayay inay yihiin saaxibada Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here