Madaxweynihii dalka Uzbakistan oo maanta la aasaayo

0
108

Uzbakistan (RKGS) Dalka Uzbakistan waxaa maanta lagu aasayaa madaxweynihii dalkaasi ee geeriyooday shalay Islam Karimov.

Indhawaaleba waxaa la isla dhex marayay warar aan la hubin oo ku saabsan geerida Karimov balse shalay ayay dowladda dalkaasi si rasmi ah u shaacisay geeridiisa.

Islam Karimov oo 78 jir ahaa ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Samakand oo ah halka uu ku soo barbaaray.

Muddo ka badan 25 sano ayuu Karimov soo xukumayay dalkaasi Uzbakistan, muddo ayuuna xanuunsanaa intuusan geeriyoon.

Islam Karimov waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa hoggaamiye dadka caburin jiray, Isla markaana laayay dad rayid ah oo ku bannaan baxay dowladdiisa.

Waxuu cilaaqaad la lahaa dalka Ruushka iyo dowladda Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here