MADAXWEYNIHII HORE EE DALKA IRAN CALI AKBAR RAFSANJANI OO GEERIYOODAY

0
89

Madaxweynihii hore ee dalka Iran Cali Akbar Hashimi Rafsanjani ayaa ku geeriyooday caasimada dalka Iran kadib markii uu wadnuhu istaagay.

Rafsanjani oo ahaa 82 sano jir ayaa waxa uu ahaa Madaxweyne caan ka noqday dunida xilligii uu madaxda ka ahaa dalka Iran ee Sideetameeyadii.

Cali Akbar ayaa ahaa Madaxweyne intii u dhexeysay 1989-1997 hase yeeshee waxaa doorasho ka dhacday dalka Iran uu ugaga adkaaday Maxmuud Axmed nijad sanadkii 2005.

Rafsanjani ayaa waxa uu ahaa haatan Madaxa Guddiga Xalliya khilaafaadka u dhexeeya Baarlamaanka iyo Golaha Hogaaminta dalka Iran.

Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid madaxweynihii ugu saameynta badnaa dalkaasi, Cali Akbar Haashimi Rafsanjani,

Hogaamiyahan muxaafidka ah Ayatollah, ayaa qunyar socodkaasi ku tilmaamay saaxiib soo halgamay, walow uu jiray farqi u dhaxeeyay.

Rafsanjani ayaa si weyn u taageersanaa madaxweynaha Iiraan ee haatan, Xasan Ruuxaani, kaasi oo ku tilmaamayba inuu yahay nin ku weyn kacaanka Islaamiga ah.

Saddex maalmood oo baroor diiq ah ayaa looga dhawaaqay dalkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here