Magacyada 4 Mudane oo lagu doortay Garowe

0
112

Doorashada Aqalka Hoose ayaa Wali ka socota Magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland .

Doorashada maanta ka socota Garowe waxaa kusoo baxay xildhibaano cusub oo ka mid noqon doona Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga 33aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka hoose oo ah kursiga Dhulbahante/Jaamac Siyaad, waxaa ku guulaysatay Canab Xasan Cilmi oo heshay 45cod, Ifraax Nuur Maxamed waxay heshay 4cod, 1 codna waa  uu xumaaday

Kursiga 34-aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka hoose oo ah kursiga Dhulbahante/Reer Khaalid, waxaa ku guulaystay Axmed Ismaaciil Shabeel oo helay 48cod, halka Axmed Ibraahim Cawaale ( oo aan xarunta joogin) uu helay 2cod, waxaa xumaaday 1cod.

Kursiga 35aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose oo ah Kursiga Dhulbahante/ Nuur Axmed, waxaa ku guulaystay Axmed Maxamed Axmed Dubays oo helay 42 cod, Maxamed Saleebaan ducaale wuxu helay 0 (waxba). Tirada Ergada waxay ahayd 42 xubnood.

Kursigii 36aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka hoose oo ah kursiga Majeerteen/ Cismaan Maxamuud(isxul), waxaa ku guulaysatay Deeqa Siciid xasan oo heshay 50cod.

Doorashada ayaa socota Wali Socota Waxaana dhiman hal xildhibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here