Malaysiya oo sheegtay In ficillada Daacish uu Islaamku bari’ ka yahay.

0
80

R/Wasaaraha dalka Malaysiya, Maxamed Najib C/rizaaq, ayaa sheegay inay  Xukuumadiisu  si  xoojinayso  ka foojignaanta dhagarta Kooxda mayalka adag ee Daacish,wuxuuna sheegay in  ficiladooda wax xiriir ah kala dhaxeynin Ialaamka.

Wuxuun cadeeyay inay xukuumadiisu ay u taagan tahay ka badbaadinta muwaadinta dalka Malaysiya waxyeelada iyo hanjabaadda uga imanaya koxdaasi huwan mgaca Islaamka.

Isagoo u warramayay Wakaladda Wararka Malaysiya ee Barnama, wuxuu R/Wasaarahu sheegay, xukumdiisu iyadoo ka jawaabaysa dalabka hay’adaha amniga ee dalkaasi, ay dejisay Qaanuun looga hortagayo shirqoolada ay maleegayan Argagixisada  gudaha iyo dibaddaba ,wuuuna farta ku fiiqay arrimaha ka dhacaya caalmka.

Maxamed Najib C/rizaaq, wuxuu intaa raaciyay  in weerarkii u horeeyay ee argagixiso Daacish ku soo qaaday dalkiisa uu bishii tagtay ka dhacay, nawaxiga  magaalada kuala lumpur, wuxuuna mar kale cadeyay in Daacish iyo aydiyoolajiyadeeda islaamka wax cilaaqad ah la laheyn.

Wuxuuna ugu baaqay Dowladaha Caalamka in ssi ficil ah loola dagaalmo  hanjabaadaha Argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here