Maleeshiyaad Weeraray Xarunta CID Oo Dhamaantood La toogtay.

0
157

Muqdisho (RKGS) Wararka Raadiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Oo ay heleyso ayaa sheegaya in maleeshiyo hubeysan ay weerareen xarunta dambi baarista ee CID, oo ku taala Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku sugan nawaaxiga KM4 ayaa sheegaya in la maqlayo rasaas iyo qaraxyo .

Ciidanka amaanka ayaa lasoo sheegayaa iney toogteen dhamaanba maleeshiyaadkii soo weeraray xarunta CID, xaaladuna iminka ay tahay mid dagan.

Warar hor dhac oo la helayo  ayaa sheegaya in raga weerarka soo qaaday oo ahaa ilaa iyo afar ruux labo kamid ah ay is qarxiyeen, halka labada kale ay toogteen ciidamada amaanka.

Wali saraakiisha dowlada kama hadlin weerarkaasi.

Wixii kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here