Mamulka G/Banaadir Oo magacaabey Guddi lagula xisaabtamayo Amniga Muqdisho

0
81

MOGADISHO (RKGS) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa magacaabay Guddi heer degmo ah, kuwaasoo lagula xisaabtamayo Amniga Caasimadda.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Guddiyadan ay isugu jiraan mid heer degmo iyo heer gobol, kuwaasoo ka shaqeynayaan xaqiijinta Ammaanka guud ee Caasimada.

Waxaa uu sheegay in Guddigan heerka gobol uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Gobolka, halka mid heerka degmo uu Guddoomiyaha degmada hogaaminayo.

Mr Xalane ayaa sheegay in ujeedka yahay sidii la iska xisaabtami lahaa, isla markaana mas’uuliyada amniga wixii dhaca cid loo ciqaabo sida uu yiri.

 

“Ujeedka waxa uu yahay Mas’uuliyadda amniga degmooyinka wixii dhaca in cid lala xisaabtamo oo loo ciqaabo”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in ammaanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee xuduuda la leh gobolada amnigooda si gaar ah xoogga loo saarayo

Tan iyo markii ammaanka Muqdisho lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa socday qorshayaal amni oo uu Maamulka Gobolka ku doonayo inay wax uga qabto amniga Caasimada oo mararka qaar weeraro iyo qaraxyo ka dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here