Maraykanka oo iska riixay isku-day’gii afgambigii Turkiga.

0
93

Washington (RKGS) Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa iska fogeeyay, islmarkaana cambaareeyey fikradaha ku saabsan in Washington ay ku lug lahayd afgambigii dhicisoobay ee Dalaka Turkiga.

Kerry oo ka hadlaayay Telefishinka CNN-ka ayaa yiri,“Waxaan u maleeneynaa inay tahay mas’uuliyadda darro in Mareykanka lagu eedeeyey afgambigaasi”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wadaadka Fethullah Gulen oo ku nool Gobolka Pennsylvania ee Dalka Mareykanka ku eedeeyey inuu abaabulay afgambigaasi, isagoo dalbaday in la masaafuriyo.

Wasiirka Shaqada Turkiga Suleyman Soylu ayaa kal hore ku eedeeyey Washington inay ka dambeysay isku deygii afgambi, iyagoo wada-hadal dhinaca taleefonka ah oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimah Dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayuu Kerry ku sheegay “In Mareykanka lagu eedeeyo afgambigaasi fashilmay ay tahay arrin dhaawaceysa xiriirka labada dal”.

Kerry ayaa dhinaca kale sheegay in Turkiga aysan Mareykanka u soo gudbin codsi rasmi ah oo ku saabsan soo masaafurinta Fethullah Gulen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here