Mareykanka: 17-qof oo ku dhimatay shil ku yimid doon dalxiis.

0
91

Sagaal ruux oo isku qoys ah ayaa ka mid ah 17-dhimasho ah oo soo gaartay dad la socday Doon lagu dalxiiso oo ku qallibantay haro ku taalla gobolka Missouri  ee dalka Mareykanka,sida ay shaaciyeen saraakiil ku sugan halkaasi.

Shilkaan oo dhacay maalinimadii shalay ayaa la sheegay in 9-ruux oo isku qoys ah oo ka soo jeeda gobolka Indiana iyo kuwo kale oo ka socday Arkansas ay ka mid ahaayeen dadka dhintay .

Doonta qallibantay ama degtay ayaa la xusay in ay wadday 31-qof oo rakaab dalxiisayaal ah ,ka hor inta aysan waxyeello ku soo gaarin harada Table Rock oo ku dhow magaalada Branson .

Dadka dhintay ama dhibanayaashaasi ayaa da’dooda lagu kala sheegay hal sano jir illaa 76-sano jir.kuwaas oo ka kala socday afar gobol oo ka tirsan dalka Mareykanka.

5-ruux oo ka mid ah kuwa dhintay waxay ahaayeen kuwo ka yar 16-sano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here