Mareykanka oo taageeraya doorashada Soomaaliya

0
98

Xoghayaha arimaha   dibadda ee  dowladda Mareykanka  John Kerry ayaa  sheegay in dowladda Mareykanka ay taageero dheeraad ah siin doonto dowladda Soomaaliya, si sanadkaan doorashooyinka Soomaaliya ay ugu dhacaan sidii loogu tala galay.

Xoghayaha arimaha   dibadda  dowladda Mareykanka John  Kerry   ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageerayso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dimuquraaddiyadda iyo sidoo kale hormarka Soomaaliya.

John Kerry  ayaa sidoo kale sheegay in  dowladda Mareykanku ay ku rajo weyn tahay in doorashada sanadkan ay noqoto mid  ku dhacda dimuquraaddiyad iyo ammaan.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya ,waxaana dowladda Mareykanku ay dhawaan u soo magacowday Soomaaliya safiir cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here