Masar oo ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor diiq ah

0
87

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitax Al-sisi ayaa sheegay in dalka seddax maalmood oo baroordiiq ah uu galayo ka dib markii la qarxiyay kaniisad.

Mr Sisi wuxuu weerarka ku tilmaamay inay “manaxayaal argagixiso ah” ka dambeeyeen.

Maxkamad Masar ayaa joojisay xukunkii xabsi daa’inka ee Maxamed Morsi

Hogaamiye Ikhwaanka Masar ka mid ahaa oo la dilay

Qaraxa oo ka dhacay gudaha kaniisadda waxaa ku dhintay ugu yaraan 26 qof ay ku dhinteen qaraxa, in kabadan 30 kalena ay dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ay ku cibaadeysanayeen masiixiyiin ku sugnaa kaniisadda.

Masar oo askar looga dilay Siinaay

Akhwaan Muslimiinta oo ku soo noqday doorashada Urdun

Kaniisada waxaa iskalahaa Qibdhiyiinta dalka Masar, kuwaas oo boqolkiiba 10 ka ah shacabka dalkaasi.

Weerarada ka dhanka ah Qibdhiyiinta ayaa dhowaanahan sare u kacay.

Sidoo kale, qeybo badan oo ka mid ah dalkaasi Masar waxaa kla taagan rabshado u dhexeeya Muslimiinta iyo Qibdhiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here