Masuuliyiinta W/Warfaafinta iyo Suxufiyiinta Kismaayo oo kulmay Jun 18, 2016

0
85

Masuuliyiinta Wasaaaradda Warfaafinta ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulan xog wareysi ah waxay la qaateen Suxufiyiinta ka howlgala magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Kulankaan ayaa sidoo kale Suxufiyiinta waxaa loogu qaybiyay xeerka saxaafada dalka oo dhawaan golaha baarlamaanka Soomaaliya si buuxda ay u meel mariyeen.

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ee kulanka ka qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee SONNA, Agaasimaha Qorshaynta iyo xiriirka ee wasaarada Warfaafinta iyo masuuliyiin kale ayaa Wariyaasha ka shaqeeya magaalada Kismaayo u sheegay in xeerkaan ay in xeerkaan ay akhristaan.

Suxufiyiinta magaalada Kismaayo ee kulanka kasoo qaybgalay ayaa aad u soo dhaweeyay dadaalada hormarineed ee xaga warbaahinta ah oo ay wado Wasaardda Warfaafinta iyo sidoo kale Golaha Saxaafada Qaranka oo ay sharciyeeyeen golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in laga furo xafiiskii ugu horeeyay ee SONNA ay ku yeelato gobalada dalka sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee SONNA Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here