Maxamed Sheekh Cismaan oo ku guuleystay xilka guddoonka baarlamaanka

0
88

Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka ee dalka ayaa ku dhawaaqay doorashada xilka guddoomiyaha golaha Shacabka in uu ku guuleystay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo horey u soo qabtay xilkan afartii sano ee la soo dhaafay.

Tirinta codadka doorashada ayaa musharxiinta afarta qof ee xilkan ku tartamayay waxa ay kala ahaayeen Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu helay codad ka badan  139 cod, halka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo helay 97, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo isna helay labo cod, iyadoo ay qasaartay labo cod.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar ayaa markale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha baarlamaanka 10aad ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here