Maxay ka wada hadleen Galmudug iyo AMISOM ?

0
103

Cadaado-RKGS- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed xaashi Carabey ayaa wuxu sheegay dhowaan in uu bilaaban doono Howlgal ka dhan ah Shabaab, kaas oo ka bilaabanya Deegaanada Galmudug.

Wuxuu sheegay Taliyaha Guud ee Ciidanka Midowga Afirka ee AMISOM iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka Xoogga oo tagay Cadaado in ay ka kala hadleen arimahaasi si wanaagsana ay iskula afgarteen.

Maxamed xaashi Carabey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidanka Galmudug ay sidoo kale diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan Howlgalkan ka dhanka ah Shabaab.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay Howgal ka dhan ah Shabaab oo ay ugu magacdareen xoreynta Deegaanada jubbaland ay ka bilaabeen Deegaanada Jubbooyinka, waxaana sidoo kale la sheegayaa in Howlgalkan ka bilaabanaya Galmudug in uu yahay midka xiga.

Audio Player

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here