Maxey kawada hadleen taliyaha booliska Soomaaliya iyo masuuliyiinta Midowga Yurub?

0
102

Muqdisho (RKGS) Kulanka dhexmaray taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheakh Xasan Xaamud iyo masuuliyiinta ka socday midowga Yurub oo ka dhacay xarunta Tababarada ciidanka ee Generaal Kaahiye, waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta booliska Soomaaliya iyo midowga yurub iyadoo masuuliyiinta midowga Yurub ay u kuur galayeen qaabka loo fuliyey kaalmooyinka kala duwan ee ay siiyaan booliska Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa markii ay soo gaareen xarunta Generaal Kaahiye kormeer ku sameeyey howlaha socday oo ay kamid ahaayeen tababaro u socda ciidamo kamid noqonaya booliska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeye Gaas Maxamed Sheakh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan saraakiisha ciidanka Booliska ayaa masuuliyiinta midowga Yurub uga warbixiyey howlaha muhiimka ah oo ay hayaan booliska Soomaaliya iyo diyaar garowga iminka ay ku howlan yihiin. Isagoo intaasi kadibna muhiimada kulanka u faah faahiyey warbaahinta

“Waxaan kawada hadalnay masuuliyiinta aan la kulanay howlaha kala duwan oo ay hayaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxey u socdeen iney hubiyaan sida loo fuliyey mashaariicda kala duwan oo ay nasiiyaan”Ayuu yiri taliyaha.

Sareeye Gaas Maxamed Sheakh Xasan Xaamud taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyiinta midowga Yurub oo ay la kulmeen ay u muujiyen diyaar garowga ay haatan wadaan Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaan sidoo kale u sheegnay in diyaar garow an ku dooneyno inan kula wareegno amaanka aan wadno maadaama Amisom mar waliba aysan nala joogeynin”Ayuu ku daray taliyaha.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa wali ku howlan dhismaha ciidanka, iyada oo ay socdaan tababaro kala duwan oo u coda dhalinyaro waxbartay oo u istaagay u shaqeynta shacabkooda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here