Maxkamadda sare ee Ciidamada xoogga dalka oo fulisay xukunno kala duwan.

0
105

Muqdisho (RKGS) Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Xukunka isugu jiray dil iyo bixinta diyo boqol halaad ah ah ku riday laba ruux oo ka tirsanaa ciidamada ,kadib markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilka laba ruux.

Xukunkaasi ayaa yimid kadib markii ay racfaan ka soo qaateen xukun horey maxkamadda darajada koowaad ee cidamada ay ugu riday y, kaas oo maxkamadda sarena ay ku raacday go’aankaas dilka ah..

Labada nin ee la xukumay ayaa kala ah; Axmed Cabdi Maadeey iyo Xuseen C/laahi Cumar oo loo yaqaanno Khayre, kuwaas oo xafiiska xeer ilaalinta ee ciidamada qalabka sida ay ku soo oogtay dacwad ah in ay geysteen fal dambiyeed dil ah.

Xuseen C/laahi Cumar ayaa maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida waxaa ay ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu heley in uu ka dambeeyay dilka Saciid Nuur Shire oo ka tirsanaa ciidanka qalabka sida,

Sidoo kale Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 13/03/2016 waxaa ay, dable Booliis Axmed Cabdi Maadeey ku xukuntay in uu bixiyo 100 halaad oo ah diyadii Marxuum Maxamed Cali Cabdalla, kadib markii maxkamaddu ku heshay falkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here