Max’ud Cabaas iyo Ban ki- moon oo ka wada hadlay xalka Falastiin iyo Isra”iil.

0
89

Ramallah(RKGS)- Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay Ban ki-moon, ayaa si wada jir ah u qabtay shir jara’id, ka gadaal markii wada hadallo ay ku yeesheen Magaalada Ramallah ee dhulka Falastiin.

Maxmuud Cabaas, ayaa shirkaa jara’id kaga hadlay natiijadii ka soo baxday booqashadii Ban ki-moon uu ku tagay Magaalada Gaza iyo wada hadaladii ay yeesheen.

Madaxweyne Cabaas wuxuu shirkaa jara’id ka  cadeeyay in mowqifka Falastiin uu yahay mid cad, uuna weli ku taagan yahay in nabad lagu soo dabaalo mandiqadda ,taasi oo saldhig u ah, ayuu yiri “xalka labada dowladood ee jaarka ah, dhinaca muranka Xuduuda sanadkii 1967 Iyo in la joojiyo dhismayaasha sharci dararada ee Israa’iil weli ka wado bariga Maglada Qudus ee degaanada Falastiin.

Sidoo kale wuxuu Maxmuud Cabaas  sheegay inay lagama marmaan tahay in la dhameeyo dulmiga Isra’iil ay ku hayso Dadka xaq u dirirka ah ee falastiin iyo in loo ogolaado aaya ka talintooda iyadoo lagu dabaqayo qararada sharciga ee Dowliga ah.

Madaxweyne Cabaas, Wuxuu kaloo ka  hadlay, ahmiyada ay leedahay in la taageero waanwaanta nabadeed ee Dowladda Faransiiska iyo dadaalada  Caraabta,Yurub iyo guddigii afar geesoodka ee Dowliga ahaa, si loo qabto shirweyne nabadeed ka hor inta uu dhamanin sanadkan 2016ka iyo in Falastiin loo ogolaado inay xubin ka noqoto ururada iyo macahiiddyada Dowliga ah.

Dhanka kale Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ,wuxuu soo dhaweeyay dadalada Qaramada midoobay ee ku wajahan nabada bariga dhexe,wuxuu soo jeediyay  in Qaraamada Midoobay ay diyariso daraasad qaanuuni ah oo lagu badbaadinayo shacabka Falastiin , oo tan iyo 1948 ay Isra”iil xoogga ku haysato dhulkoodii hooyo.

Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay Ban ki-moon, ayaa isna shirkaasi Jara’id ka sheegay in isbalaarinta Isra’iil ee dhulka Falastiin uu yahay mid aan waafaqsaneyn sharciga iyo qawaaniinta Caalamiga ah, wuxuu ugu yeeray inay si dhaqso u joojiso Guryaha sharci darada ah ay ka dhisayso degaanada Falastiin.

Ban ki-moon waxa uu ugu baaqay Falastiin iyo Isra’iil  inay ku  laabtaan miiska  wada hadalada  nabadda,isla markaana la dhameeyo dagalka labadasi dhinac u dhaxeeya, kaasoo socoday ku dhawaad muddo 50 Sano ah.

Mar uu ka hadlayay Marinka Gaza iyo shaqaaqooyinka ka taagan, wuxuu Xohayuhu  ku baaqay in xukuumada Isra’iil ay ka qato cunaqabateynta, si deg deg ahna loogu dhaqaaqo dib u dhiska magalada Gaza oo ay Ciidamada Isra’iil burburiyeen, isagoo deeq bixiyeyaashana ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Gaza.

 

57737893c36188014d8b4573-640x360

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here