Maxuu Mareykanka uga baxay Hay’adda xuquuqda Aadanaha?

0
82

Mareykanka ayaa shaaciyay in uu si rasmi ah uga baxay Golaha xuquuqda Aadanaha ee taabacsan Qaramada Midoobay, sababo la xiriira in uu  dhinaca uga janjeero Israa’iil.

Wakiilka Mareykanka u fadhida QM  Nikki Haley ayaa ku tilmaamtay Golaha in uu yahay Urur  munaafaq ah oo ku ciyaaraya xuquuqda aadanaha.

Mareykanka ayaa sanadkii hore u gudbiyay Qaramada Midoobay in Washington  ay dib ula laabaneyso xubnimadeeda, haddii aan la joojin waxa uu ugu yeeray ka hiilinta joogtada ah ee Israa’iil.

Qaraarkaan, waxa uu imaanayaa iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu uu horay ugu adeeyay Hay’adda xuquuqda aadanaha in caga jugleyn aan cadaalad aheyn ay ku heyso Israa’iil.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa la aas aasay sanadkii 2006, waxaana xubno ka ah 47 Dowladood oo uu ku jiro Mareykanka.

Marar badan ayaa dood laga keenay sida ay Ururkaan uga mid yihiin Dowlado uusan wanaagsaneen heerkooda xuquuqda Aadanaha.

Ka bixitaanka Mareykanka ee Hay’addaan, waxaa loo arkaan in ay dhaawaci karto dadaalada xuquuqda aadanaha islamarkaana ay dhiiragalin karto Weerarada ka dhaca Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here