Mdaxweyne Xasan Sh. oo saaka u ambabaxay Addis-Ababa

0
101

Muqdisho(RKG)—-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane xasan Shiikh Maxamuud ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Addis-ababa ee Dalka Ethiopia.

Madaxwaynaha waxa uu Magaalada Addis-abab kaga qaybgali doonaa shir-madaxeedka wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo lagu wado inuu ka furmo Magaaladaasi.

Wafdiga Madaxwaynaha waxaa garoonka Diyaardaha aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Masuuliyiin ka tirsan Goloyaasha Dawladda Federaalka Somaliya iyo Madax kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here