Meleteriga Ciraaq oo la wareegay magaalada Faluuja

0
121

Ciidamada Meleteriga dalka Ciraaq ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Faluuja kaddib markii ay ka saareen maleeshiyaadka Daacish.

Magaaladda Falluj oo 50KM u jirta Caasimada dalkaasi ee Baqdaad oo mudo ku dhaw labo sano ay heesteen maleeshiyaadka daacish ayaa waxaa laga taagay calanka Ciraaq oo lagu xiray waddooyinka magaaladaasi.

R/wasaaraha Ciraaq Haider al-Abadi oo khudbad ka jeediyay telefishenka dalkaasi ayaa xaqiijiyay in ciidamadu si buuxda ula wareegeen magaalada Faluuja waxuuna intaasi raaciyay in magaalada ay ku harsan yihiin koox yar oo Daacish ah, islamarkaana saacadaha soo socda la nadiifin doono magaaladda.

Khudabada uu jeediyay R/wasaaraha Ciraaq ayuu ku sheegay in magaalada Mosul ay noqon doonto meesha labaad ee laga saaridoono maleeshiyaadka Daacish .

Meleteriga Ciraaq ayaa la wareegay magaalada Fallujah kaddib Afar todobaad oo dagaal ka socday, waxaana magaaladaasi ka muuqda burbur baaxad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here