Minneapolis oo Ciidul-fitriga awgeed laga dabaaldegay

0
95

Minneapolis(RKGS)Munaasabadda Ciidul-fitriga ayaa waxaa lagu qabtay Masaajidka Xaafadda ee Bariga Minneapolis ee Gobolka Minnesota, oo ah halka qurbojoogta ugu badan ee Soomaali degan yihiin marka laga reebo Magaalada Toronto.

Munaasabaddaasi aya waxaa ka soo qaybgalay Dad ka kala yimid Qaaradaha Afica, Asia, Arabia iyo Muslimiin kale oo uu dhashey Dalka Maraykanka, kuna Islaamay ama Islaamka soo galay markii ay Magaalada Minneapolis ama Gobolka Mainnesota ay Soomaalida bilaabeen in ay soo degaan.

Soomaalida inta aysan soo degin Magaalada Minneapolis, ee Gobolka Minnesota, sida uu ii sheegay nin u dhashay Dalka Maraykanka oo xaafada degan ahaana Muslim muddo aad u dheer,ayaa sheegay in ay ku tukan jireen qol yar, kaasi oo ay isugu iman jireen Dad aad u yar.

Ninkaasi waxa uu Intaasi ku daray “Masaajidda camirmey, ayaa calaamada u ah jaceylka iyo xushmada ay Soomaalidu u hayso diintooda”, arrintasi uu ninkaan ama ay dad badan oo Gobolkaan degan ayaa muujinaysa in ay tahay hogaan ama wanaag ay jiilka soo socda ha ahaadeen dal-joog ama dibad-joogba ay ku dayan karaan.

Xaafadaha ay Soomaalid degan tahay, ciidaha Islaamka waa kuwo aad u muuqda, laakiinse Bariga Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota Masaajidka ku yaal waxaa uu uga duwan yahay masaajidda kale waxaa ku tukada Dadyow kala duwan, kuwaasi oo ka kala yimi Wadamada Carabta, Afrika, Aasiya iyo Dad u dhashay Dalka Maraykanka, kuwaasi oo soo qaatey Diinta Islaamka, ka dib markay arkeen macaanka Diinteena muqadaska.

Maalintaan waa maalin ku wayn muslimiinta adduunka,  waana maalin si wayn looga qadariyo dibad-joogta,madaama ay rabaan in caruurtooda ku ababiyaan wanaaga diinteena.

y-640x480

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

y7

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

y6

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

y4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

y4

y3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

y1

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here