Mudaharaadyo ka dhan ah musuq maasuqa oo hareeyay Romania

0
83

Booliska caasimadda Bucharest ee dalka Romania ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibed baxayaal tiradooda lagu qiyaasay rubuc milyan qof, kuwaasoo diiddan amar cusub oo ay dowladda ku cafineyso musuq maasuqa heerka hoose ah.

Waxaa lagu tilmaamay mudaharaadkii ugu ballaarnaa ee caasimadaasi ka dhaca tan iyo 1989, xilligaasi oo ay burburtay xukuumaddii shuuciga ahayd.

Amarkan cusub oo la ansixiyay Talaadadii, ayaa cafis u fidinaya saraakiisha dowladda ee ku kaca musuq maasuq qiimihiisu ka yaryahay 48 kun oo dollar.

Dowladda ra’iisul wasaare Sorin Grindeanu ayaa sheegtay in tallaabadan u qaaday si ay saxmadda uga yareyso xabsiyada dalkaasi.

Lix dal oo ay ka mid yihiin Jarmalka, Faransiiska iyo Maraykanka ayaa wadajir usoo saaray war qoraal ah, ayagoo ka digay in amarkan uu wax u dhimi karo sumcadda ay Romania ku leedahay caalamka, iyo weliba xiriirka kala dhexeeya Midowga Yurub iyo NATO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here