Muqdisho: Hor-joogeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo la qabtay

0
100

Ciidammada Ammaanka ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay hor-joogeyaal ka tirsan malleeshiyada Al-Shabaab.

Hor-joogeyaasha oo ka kooban ilaa shan xubnood ayay ciidammadu ku qabteen, hawl-gal ay xalay ka fuliyeen xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Yaaqshiid.

Af-hayeenka wasaaradda Amniga qaranka, Cabdikaamil Macallin Shukri ayaa sheegay, in hawl-galka la fuliyay, kaddib markii la helay xog rasmi ah oo muujinaysay halka ay hor-joogeyaashu ku sugnaayeen.

Dhinaca kalana, af-hayeenka ayaa sheegay in ciidammada amnigu ay isla xalayba fashiliyeen qarax uu isku xiray qof watey mootada loo yaqaan Bajaaj oo doonayay in uu dhibaateeyo dadweynaha.

Wuxuu xusay in qofkaas oo ay ciidammadu baacsanayaan uu isku qarxiyay meel bannaan, nasiib wanaagna aysan jirin cid wax ku noqotay, marka laga reebo qofkaas is halligay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here