Muqdisho oo lagu qabtay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

0
83

Muqdisho (RKGS) Wasaarada amniga gudaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigtay hub iyo gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha  Qarxa oo la soo dhigay xaafada Ganeral Daauud ee degmada Warta- Nabadda ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka wasaarada amniga gudaha dowladda Soomaliya Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay soo qabteen gaari nooca loo yaqaano gaaribta oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo sidoo kale hub.

Waxaa uu intaas ku daray in heegan buuxa la galiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin in ay ka hortagaan weerarada ay shabaab ku qaadayaan xarumaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here