Musharrax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo la kulmay xildhibaanada Hirshabeelle

0
84

Musharax madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xalay casho sharaf u sameeyay xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Musharaxa ayaa sheegay in kulankii xalay uu ahaa mid wadatashi ah oo uu la yeelanayay xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda Hirshabeelle ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyay musharaxnimada Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Qaar kamid ah xildhibaanada oo ka hadlay kulankii xalay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Jabriil Ibraahim, ayaa kamid ah musharixiinta ugu cad cad xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Todobaadyadii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay kulamo kala duwan  oo lala yeelanayay xildhibaanada lagu soo doortay maamul goboleedyada dalka.

123456

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here