Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku guuleystay in ay xilal ka qabtaan dalka Britain

0
111

Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo kunool dalka Britain ayaa ku guuleystay in xilal kala duwan ay ka qabtaan dalkaasi,Duqa magaalada Sheffield ee dalka Britain, ayaa waxaa loo doortay Majid, oo ah muwaadin Soomaaliyed,halka Kaltuum Baande oo iyana ah gabar Soomaaliyeed ay kamid noqotay xildhibaanada Golaah Deegaanka ee magaaladaasi.

Duqa magaaladaasi Sheffield ee dalka Britain Majid, waa  28 jir ku dhashay magaalada Burco, waxaana magaaladaasi Sheffield ay qoyskiisa ku tageen qaxootinimo,muddo sanado badan ka hor, isagoo shan sano jir ah, kadib markii ay tageen xero qaxooti oo ku taala Ethiopia,halkaasi oo laga qaaday markii hore.

Waxaa Majid Majid durba loo dhaariyay xafiiska duqa magaalada Sheffield ee dalka Britain,isagoo balanqaady in uu waxbadan ku soo kordhin doono nolosha bulshada magaladaasi kunool,gaar ahaan dadka isaga uu matalo.

Majid waxaa uu ka tirsanaa xisbiga loo yaqaanno Green Party ee ka dhisan magaaladaasi,iyadoo xubnaha xisbigaasi ay doorteen,wuxuuna noqonayaa shaqsigii ugu da’da yeraa oo xisbigaasi ay u doortaan duqa magaalada.

Sidoo kale, Kaltum Osman (Kaltuum Baande) oo iyana ah gabadh Soomaaliyeed, ayaa noqotay gabadh markii ugu horaysay ku guuleysatay xubin xildhibaanda golaha deegaanka ee Sheffield,waxaana Kaltuum ay sharaxaysaa siyaabaha ay ku gaareen guulahaasi iyo waxa  ay ka dhigantahay mar ay la hadashey VOA.

“Guushan maanta u soo hooyatay Soomaalida halkan degan,dadka waxay u arkaan in Soomaalida wax wanaagsan oo dad badan soo jiitay,sidoo kale dadka laga tirade badan yahay ayaa aad ugu faraxsan,waxaa sababay arrintan qofkasta wuxuu leeyahay hiigsi ah in meelo fog fog uu gaaro,sidoo kale waxaa jiray dadaalo badan oo la sameeyey,waxaana uu guddoomiyaha kamid ahaa dadka howlkarka ah oo waxqabadka badan,sidaasi ayuu ku mutaysatay”. Ayay tiri Kaltuum Baande.

Soomaalida kunool wadamada caalamka ayaa sidoo kale sanadahan dambe xooga saaray sidee ay uga qeyb qaadan lahaayeen hoggaaminta bulshada wadamada ay kunool yihiin,sida wadamada Mareykanaka,Canada iyo qaar kamid ah dalalka Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here