Muxuu ka carooday Nicolas Sarkozy.

0
101

Madaxweynihii hore dalka Fransiiska Nicolas Sarkozy, ayaa ka carooday maqaal ay qortay jariidad ka soo baxday dalka Mareykanka  oo ku dhaleecaysay xiligii uu Madaxweynaha ahaa in caburin u gaystay muslimiinta ku nool Faransiiska.

Wuxuuna Nicolas Sarkozy qoraalkaasi ku tilmaamay mid gaf ah oo meel loog dhacay sumcaddisa ka sokokow tan dalka Fransiiska.

Sarkkozy, wuxuuu cadeeyay in Faransiiska  ay ku faanayso in Islaamka uu ka yahay dalkiisa Diinta Labaad sidaa drteedna ayan marna meel uga dhacin Xuquuqda dadka Muslimiinta iyo sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda Diiniga ah.

Xilligii uu Nicolas Sarkozy, Madaxweynaha ka ahaa dalka Fransiiska ayaa wax badan lagu eedayay inuu olole ku qaaday xijaabka ay xirtaan haweenka Muslimiinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here