Nin loo heysto dilka Xildhibaanad Jo Cox oo la soo taagayo Maxkamad ku taal London

0
58

Maxkamad ku taal magaalada London ayaa maanta lagu wadaa in la soo taago Thomas Mair oo 52 jir, kaasoo loo heysto dilka Xildhibaanad Jo Cox oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Britain.

Booliska ayaa ninkan ku soo eedeeyay dambiyo kala duwan oo ay ka mid tahay inuu toogtay, isla markaana midiyeeyay haweeneydan.

Madaxa Xisbiga Shaqaalaha Britain Jeremy Corbyn ayaa sheegay inay waayeen qof aad qaali u ah, isla markaana lagu xusuusan doono doorarkeeda fir fircoonaa.

Haweeneydan ayaa u ololeyn jiray arrimaha bani’aadanimada iyo qaxootiga, waxaana khudbado ay Baarlamaanka ka jeedisay ka soo hor jeesatay duqeynta dadka rayidka ee Suuriya.

Waa qofkii ugu horreeyay ee Xildhibaan ah oo xil haya oo la dilay ilaa dilkii xildhibaan Ian Gow, oo lagu dilay weerarkii IRA sanadkii 1990.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here