Obama iyo Donald Trump oo ku kulmay Aqalka

0
85

USA-(RKGS)-Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Maraykanka Brack Obama iyo Madaxweynaha la doortay ee xilka kala wareegi doona Donald Trump, ayaa markii ugu horreysay ku kulmay Aqalka Cad.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay Obama Nin wanaagsan oo wax badan u soo qabtay shacabka Maraykanka, uuna rajeynayo iney marar badan kulmaan.

Hadalka labada nin ayaa si weyn uga duwanaa hadaladii kululaa ee la is dhaafsanayey ololihii doorashada, waxaana shirkooda jaraa’id uu ahaa mid kooban oo u badnaa marxabbayn iyo soo dhoweyn.

Obama, ayaa sheegay in ay kawada hadleen arrimo khuseeya siyaasadda gudaha iyo tan dibedda, isla markaana uu aad uga maqsuuday in Mr Trump uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo maamulkiisa xilka ka sii degaya.

Mr.Trump ayaa dhankiisa sheegay inuu jeclaan lahaa kulamo kale oo dheeraad ah inuu mustaqbalka la yeesho Madaxweyne Obama si uu khibradiisa ugu biiriyo inta uu xilka hayo Afarta Sano ee soo socota.

Kulankan Labada Madaxweyne ayaa ku soo aadaya iyadoo ay qaybo ka mid ah Dalkaasi ka dhacayaan bannaan baxyo lagaga soo horjeeda siyaasadda Donald Trump iyo guushii uu gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here