onfurta Sudan oo Iskaashigii u jartay Qaraamada Midoobay.

0
96

Juba-(RKGS)- Madaxweynaha Konfurta Sudaan Salva Kiir Mayardit,  ayaa go’aansaday in gebi ahaanba u gooyo iskaashigii uu la lahaa Qaraamada Midoobay, kadib markii  Golaha amaanka uu u codeeyay in 4-kun Ciidan nabad Ilaalin ah la geeyo Caasimadda juba.

Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa Dhawaan codsaday in Ciidamo Nabad Ilaalin ah lagu xoojiyo Caasimadda konfurta Sudan ee Juba., halkaa oo bishii tagtay uu dib ugu soo cusboonaaday dagaal sokooye ee u dhaxeeya xoogagga ku loolamaya gacan ku haynta caasimadda juba.

Dhanka kale, Wakaaladda Gargaarka Qaxootiga ee hoos taagta Qaraamada Midoobay, ayaa sheegtay in 110 qof ay ka baracaceen dagaalada ka socoda Konfurta Sudan, una barakaceen dalka ay jaarka yihiin ee Ugaandha.

Lama saadaalin karo sida Ciidamadaasi nabad ilaalinta ee 4ta kun ah ay ku gaarayaan magaalada juba, maa daama uu ka soo horjestay Madaxweynaha Salva kiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here