Ordagan oo booqanaya Moskow

0
112

moscow (RKGS) Madaxweynaha dalkaTurkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadal kula yeelan doona magaalada Moscow  madaxweynaha dalka Russia Vladimir Putin waxaana uu sheegay in uu doonayo in uu dib u soo celiyo  xiriirka kala dhexeeya Russia

Labada hogaamiye ayaa wadahadalladooda maanta waxaa ay diiradda ku saari doonaan soo celinta xiriirka dhanka ganacsiga,maalgashiga iyo dib u soo celinta dalxiiska.

Waa markii ugu horeysay oo Mr Erdogan uu dalka dibadiisa u ambabaxo tan iyo intii ka danbaysay isku daygii afgambigii fashilmay ee 15kii july ka dhacay dalkaasi.

Xiriirka labada dal  ayaa xumaaday kadib markii Turkigu ku soo rideen xadka ay la wadaagaan Siiriya diyaarad dagaal oo Raashiya leedahay,arinkaasi oo heerkii ugu xumaa gaarsiiyay xiriirka labada dal.

Bishii Juun ayaa aqalka Kremelinka oo looga aramiyo dalka Raashiya waxaa uu sheegay in madaxweynaha dalka Turkiga uu raaligalin ka bixiyay dhacdadaas isla markaana tacsi u direy ehelada duuliyeyaashii diyaaradaas.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka hor inta uusan soo amba bixin waxaa uu sheegay in Mr. Putin uu yahay saaxiib isla markaana uu doonayo in la furo bog cusub oo dhanka xiriirka labada wadan ka dhexeeya.

“Booqashadani waxaa ay iiga dhigan tahay calaamad muujinaysa xiriirka labada dhinac oo markale dib u bilaabanay,” ayuu yiri Madaxweyne Ordagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here