Orodyahanka Mo faarax oo ku guuleystay orodka 10-ka kun ee mitir

0
149

baraziil (RKGS) Orodyahanka asal ahaa kasoo jeeda Soomaaliya balse u orda Ingiriiska Mo Faarax ayaa  markii saddexaad ku guulaystay billadaha dahabka Olympic-ada.

Mo Faarax ayaa difaacday horyaalka 10-ka kun ee mitir ee uu horay ugu guulaystay Olympicadii 2012-kii, waxaana kaalinta labaad galay Orodyahanka u dhashay dalka Kenya ee lagu magacaabo Paul Tanui.

Orodyahan Mo Faarax ayaa mar dhulka ku dhacay hase ahaatee uma hakan oo si fudud ayuu uga kacay, waxaana uu muujiyey awoodiisa, isagoo wacdaro dhigay daqiiqadihii ugu dambeeyey ee tartanka, markaas oo uu ka hormaray orodyahanka reer Kenya ee Paul Tanui.

Paul Tanui oo Kenya u dhashay ayaa ciriirsaday kaalinta labaad maadaama uu muujiyey dadaal badan, islamarkaana uu noqday shaqsiga kaliya ee la tartamayey Mo faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here