Punt-land iyo G/Mudug oo si wada jir ah ugu baaqay joojinta Colaadaha

0
88

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa si wadajir ah ugu baaqay in la joojiyo dagaalada ka dhacaya Waqooyi Bari magaalada G/Kacyo, inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku dhimatay 10 Qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 kale, wuxuuna u dhaxeeyaa xoolo dhaqato ka tirsan labo maleeshiyo beeleed oo deegaankaasi wada dagan.

Deegaanka Sar-Jimaale ee Waqooyi Bari magaalada Gaalkacyo ayuu dagaalku ka bilowday galankii danbe ee maalinimadii shalay.

Inkastoo haatan xaaladdu ay dagantahay ayaa hadana dadka deegaanka oo SONNA la hadlay waxay sheegeen inay ka cabsi qabaan in dib dagaalka u soo noqdo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here