Qabiillo ku dagaalamay Nigeria oo sababay dhimashada 86-ruux.

0
86

Ugu yaraan 86-qof ayaa ku dhimatay bartamaha dalka Nigeria,kadib marlii iska hor-imaad  rabshado watay uu ka dhex dilaacay Beeraleey & Xoolo dhaqato,sida ay xaqiijiyeen Boliiska gobolka Plateau ee dalkaasi.

Warar ayaa sheegaya in dagaalada u dhexeeya dhinacyadaasi ay bilowdeen maalinimadii khamiista ee la soo dhaafay ,kadib kolkii qabiilka Berom oo ah Beeraleey ay weerareen qabiilka Fulani oo ah xoolo dhaqato

Dagaallo aargoosi ah oo socday 3-dii cisho ee u dambeeyay ayaa tirada dhimashada ka dhigay 86-ruux,waxaana lagu guuleystay in  3 deegaan ama 3-qeyb oo ka mid ah gobolka Plateau lagu soo rogo bandow.

Taliyaha ciidamada Boliiska ee gobolkaasi Undie Adie ayaa sheegay in dhimashadaasi ka sokoow la gubay 50-Guri iyo 15-mooto bushkuleeti.

Taariikh ahaan sanado badan ayaa la sheegaa in qaar ka mid ah qabiilada dalka Nigeria ay isku hayaan muran xagga dhulka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here