Qalalaase ka dhashay Xakameynta Hubka oo ka taagan Aqalka Congress-ka Mareykanka

0
130

Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka ayaa rabshad ka dhex bilaabay Aqalka Congress-ka, kadib markii la isku qabtay mooshin ku saabsan xakameynta Hubka.

Xubnahan siyaasiyiinta ayaa dhex degay hoolka shirarka ee aqalka Congress-ka, iyagoo dalbadanaya in la keeno mooshinka.

Guddoomiyaha aqalka Congress-ka oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga Paul Ryan ayaa lagu buuqay, waxaana uu isku dayay inuu si caadi ah u wado howlaha aqalka Congress-ka, balse waa u suura geli weyday.

Paul Ryan ayaa ku tilmaamay xubnaha siyaasiyiinta xisbiga dimoqraadiga inay yihiin kuwo shacbiyad doon ah, isla markaana qalalaaso inay abuuraan doonaya.

Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ayaa codsanaya sharciyo adag oo lagu xakamaynayo iibsashada hubka, isla markaana dadka hubka iibsanaya la hor-dhigo shuruudo adag, lana baaro hadii falal dambiyeed ku lug lahaayeen.

Madaxweyne Obama ayaa horay ugu gudbiyay aqalka Congress-ka sharci adag oo lagu xakameynayo hubka Mareykanka oo ah mid aanay shuruucdiisa aanay adkeyn.

Mareykanka ayaa waxaa uga dhacay toogasho dad badan ku dhinteen, waxaana toogashadii u dambeysay aheyd markii nin hubeysan uu goob lagu caweeyo oo ku taal Orlando ku dilay illaa 50 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here