Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee dalka oo shalay la saxiixay

0
97

mogadhisho (RKGS) Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating, ayaa ka hadlay Sharciga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shalay ku saxiixay Magaalada Muqdisho.

Sharciga uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay ayaa ahaa Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka.
Waxa uu sheegay Danjire Michael Keating in Sharcigaan uu ka mid yahay Sharciyada ugu Muhiimsan ee Dalka Soomaaliya ka jira.

“Waa war ay ku farxaan Soomaalida, waxaan ugu hambalyeynaa dowladda iyo shacabkeeda in ay yihiin kuwo mar walba isku xiran, waxaana si gaar ah aan u amaanayaa Madaxweynaha Soomaaliya oo sharcigan saxiixay”

6-dii June ee Sanadkan 2016-ka ayay ahayd Markii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee dalka, iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu shalay gelinkii dambe qalinka ku duugay sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here