Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Afgaanistaan.

0
97

Qarax ka dhacay Bariga Gobolka Nangarhar ee Afgaanistan ayaa dilay ugu yaraan 18-ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen,sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Dowladda.

Qarax shalay gelinkii danbe ka dhacay banaanka Xafiiska laga maamulo Gobolka Nangarhar ee magaalada Jalalabad,ayaa imaanaya maalin ka dib markii Qarax qof Naftii halige ah fuliyay uu ku dilay 36-Qof oo ay ku jiraan dad rayid ah,Ciidamada Dowladda iyo dagaalyahano ka tirsan Taliban,kuwaasi oo ku sugnaa goob ay ka socotay dabaal dega Ciidul Fitriga.

Ma jirto Koox ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda Weerarka,balse Qaraxii dhacay maalintii sabtida ahayd ayaa waxaa sheegtay Kooxda Argagixisada ee ISIS ee ka dagaalanta dalka Ciraaq.

Najibullah Kamawal, Nangarhar,oo ah agaasimaha caafimaadka Gobolka,ayaa sheegay in tirade Qaraxa ku dhimatay gaarsiisan tahay 18-ruux halka 49-kale ay dhaawacyo soo gaareen.

“ Qaar ka mid ah dadka dhaawaca waxay yihiin kuwo xaaladooda aad u liidayo,”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kamawal.isagoona dhanka kale sheegtay in tirade dhimashada marba marka ka sii danbeys kordhi karto.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Afgaanistaan ayaa adkeeyay Amniga goobaha Qaraxyada ay ka dhaceen,waxaana Dowladda shaacisay in gurmad caafimaad loo fidinayo dadka Qaraxyada ku dhaawacmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here