Qaxooti hantidoodii ku basbeeshay dab ka kacay Xagardheere

0
111

Suuqa weyn ee ganacsiga xerada qaxootiga Xagardheere ayuu xalay dab qabsaday, Waxaana lagu soo waramayaa in hanti badan oo kala duwan ay gubatay.

Dabka ayaan la hubin waxa uu ka bilowday. Balse goobjoogayaal hantida gubatay wax ku lahaa ayaa sheegay in la damin kari waayay dabka xoogiisa.

Inta badan badan hantidii suuqa ayaa bas beeshay. Waxaana adkaatay in dab-damisyo yimid ay damiyaan dabkii kacay.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa warbaahinta  ay la hadashay ayaa sheegaya in ay burburtay hantidii ay suuqaasi ku lahaayeen.

Xerada qaxootiga ee Xagardheere waxaa ku yaala suuqa ugu weyn ee xeryaha Dhadhaab.ee dalka kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here