Qaxootigii ka imaanayay Dhadhaab Kenya oo si ku meel gaar ah loo hakiyay

0
94

Kulan ay magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland ku wada yeesheen masuuliyiinta Jubbaland iyo xubno ka socday hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa lagu go’aamiyay in si ku meel gaar ah loo hakiyo qaxootiga lasoo celinayay.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday duruufaha nololeed ee haysta qaxootigii horay loogu soo celiyay Dalka ee gaaray Jubbooyinka,kuwaasoo la kulmay xaalado aad u liita iyo daryeel la’aan dhan walba ah.

Jubbaland iyo UNHCR ayaa ku heshiiyay in la dardar geliyo in la raaco heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee ay Dowladda federaalka, Kenya iyo UNHCR wada galeen 2013-kii, iyadoo marka hore la qiimaynaya dadka lasoo celinayay xaaladdooda,laguna ogaanaya halka la dejinayo.

Waxa kale oo ay dhinacyada isku afgarteen in todobaadkan gudahiisa la qabto shir kale oo ay qayb ka noqon doonaan Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR, kaasoo ay goob joog ka noqon doonaan madaxda maamul goboleedyada ay quseyso arrinta sida Jubbaland iyo koofur galbeed.

Maxamed Warsame Darwiish,wasiirka arrimaha dibedda Jubbaland ayaa sheegay in kulanka loogu gol leeyahay dib u eegista heshiisyadii hore iyo in la xalliyo galdaloollooyinka haatan ka jira soo laabashada Qaxootiga Dhadhaab.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Jubbaland Kumanaan qaxooti ah oo laga soo daabulay xeryaha Dhadhaab ay ku celisay Degmada Dhoobleey ee xadka labada Dal, iyadoo saluugtay waddada ay dowladda Kenya u marayso soo celinta dadkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here