QM oo cambaaraysay sida ay Ausrtalia ula dhaqanto Qaxootiga Dalkeeda ku sugan

0
155

U qaabbilsanaha xuquuqul Insaanka Qaramada midoobay ee Dalka Australia, Francois Crepeau,ayaa nacayb ku tilmaamay sida ay Dowladda Australia ula dhaqanto Dadka megengelyo doonka ah ee ku sugan Dalkeeda.

Mr; Crepeau, ayaa hadalkaasi jeediyay,markii uu booqasho 18 Cisho ah ku tegey goobo ay ka mid tahay jasiiradda yar ee Nauru, halkaasoo xeryaha ku yaalla Dadka qaarkii ay ku jiraan Siddeed Sano.

Arrintan ayuu sheegay inay tahay tallaabo bah dil ah kana baxsan Bini-aadamnimada,wuxuna tilmaamay inuu dhibsanayo Carruurta lagu hayo jasiiradaha ee anan helin taageeradii ay doonayeen.

Francois Crepeau, ayaa ku baaqay in sharci cusub oo xuquuqda aadanaha lagu difaacayo ay samayso Dowladda Australia.

Hay’adda xuquuqul Insaanka u doodda ee Amnesty International, ayaa Bishii aynu kasoo gudubnay sidan oo kale walaac ka muujisay xaaladda liidata ee ka jirta Jasiiradda Nauru,balse waxaa eedeeyntaasi beenisay Dowladda Australia oo ku tilmaantay waxba kama jiraan.

Dowladda Australia ayaa Dadka sida sharci darrada ah ku gala Dalkeeda waxay geysaa Xeryo ku yaalla Jasiirado yar yar oo ay jiraan wakhti aad u dheer, halkaasoo ay kala kulmaan arrimo ka dhan ah Bini’aadamnimada.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowaan oggalaatay inay megengelyo siiso Dadka liita ee muddada badan ku xannibnaa gudaha Dalka Australia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here