Qorsho lagu soo dhawaynayo Qaxootiga ka soo laabanaya Kenya

0
102

Kismaayo-(RKGS)- Kulan ku saabsan sidii loo soo dhawayn lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Kenya ee soo gaaraya deegaanada Maamulka Jubbaland ayna soo qabanqaabisay wasaaradda arrimah gudaha ee Jubbaland ayaa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wasiirka arrimaha gudaha ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Max’ed Warsame Darwiish ayaa oo is kugu yeray wakiilada hay,adaha dowliga ah iyo kuwo aan dowliga ahayn wuxuuna kala hadlayay sidii ay hay’adahu gacan uga gaysasan lahayeen wax u qabashada dadka dalka ku so laabtay, maadama ay liidato nolashooda.

wakiiladii ka socday hay’adaha iyo Wasiirka ayaa isku af gartay in la iska kaashado taakulaynta dadka qaxootiga ah ee dalka ku soo laabtay oo ay ku jiraan kuwa ku xayiran magalada dhoobleey.

Wasiirka arimaha arimaha Gudaha Jubba-land Darawiish ayaa kulankan kadib u sheegay Saxaafadda in ay isku af garteen haya’adaha iyo Wasaaradda arimaha Gudaha Jubba-land in bishiiba hal mar ay kulmaan, lagana wada hadlo sidii loo taakulayn lahaa dadka qaxootiga ee dalkooda ku soo laabanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here