Raashin dhacay oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho

0
91

Wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen Diyaarad la sheegay in ay siday raashiin dhacay.

Diyaarada sida Raashin dhacay ama xiligiisii isticmaalka dhaafay ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaan Raashinka ay u siday degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Diyaaradan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay leedahay Hay’ada WFB.

General Gaafow ayaa warbaahinta  sheegay in Diyaaradan ay qabteen baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono.

Taliyaha Hoggaanka ilaalinta Canshuuraha ee Boliiska Soomaaliya Gen; C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in diyaaraddii siday raashinka dhacay ee ay qabteen ciidamada ammaanku ay ku sii jeeday magaalada Garbahaarreey ee xarunta Gobolka Gedo.

Generaal Bariise ayaa intaa ku daray inay raashinkan ay lahayd Hay’adda cunnada adduunka ee WFP, kaasoo ahaa mid ku raagay bakhaarro ku yaalla magaalada Muqdisho.

Raashiinkan ayaa isugu jira 100 shay oo kala ah galley,masaggo, caano boore iyo saliid ayaa ka mid ahaa gargaar ay Hay’addu horay ugu kaydisay Muqdisho,kaasoo dhaafay waqtigii isticmaalka.

Ciidamada ammaanka ee Garoonka diyaaradaha magalaada Muqdisho ayaa gacanta ku haya mid ka mida shaqaalaha hay’adda WFP, kaasoo ay Boliisku xabsiga u taxaabeen.

wixii kusoo kordha Insha Allah waan soo gudbin doonaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here