RADIO KGS: Shir Isugu Jirey Wadatashi iyo Hormarinta Ganacsiga oo lagu soo gabagabeyey magalada baydhabo

0
94

Wasaarada Arimaha Gudaha Dib Uheshiisiinta iyo Dowladaha Hoose Ee Maamulka Konfur Galbed Somaliya Ayaa Maanta Baydhabo kusoo Gabagabeysey Shir Isugu Jirey Wadatashi iyo Hormarinta Ganacsiga kaasoo Ay la Laheyd Ganacsatada Magaalada Baydhabo

Kulankan oo Socdey labadii maalmood Ee lasoo dhaafey laguna Gorfeeyey Dhibaatada haysta ganacsatada iyo sidii looga gudbi lahaa ayaa laga soo saarey Qodobo dhowr ah ayna ku heshiiyeen labada dhinac

Wasiirka arimaha gudaha iyo Dowladaha hoose ee maamulka konfur galbed somaliya maxamednoor madoobe maxamed oo soo xirey kulankii manta ayaa sheegey in kulankan wax badan lagu kala faa,iidey labada dhinac gudi kasocdana lasameeyey si loo Hormariyo Hanaanka ganacsi ee deegaanadan

Rugta Ganacsiga Konfur galbed oo ah halka ayku mideysan yihiin ganacsatada konfur galbeed wakiil ka socdey ayaa isna ka Hadley kulanka isagoo sheegey in dhankooda ay diyaar la yihiin la shaqeynta maamulka sidoo kalena ayka codsanayan in dowlada ay dadaal badan ku bixiso furitaanka wadada u dhaxeysa baydhabo iyo muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here