Daawo Sawirada: Raggii toogtay Sheekh Maxamed Deyr oo la qabtay

0
93

Baydhabo(RKGS)Ciidamada Ammaanka Baydhabo ayaa gacanta kusoo dhigay Saddex nin oo magaalada Baydhabo ku dilay Sheekh Maxamed Deyr oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada.

Ka dib howlgal Magaalada Baydhabo ay ka sameeyeen Ciidamada Ammaanka ayay gacanta kusoo dhigeen raggaasi oo dil Masaajid ugu dhex geystay Sheekh habeen Hore.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in Raggaasi Sharciga la horkeeni doono.

Ciidamada ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay gacanta kusoo dhigeen nin ka mid ahaa Saddexda nin ee dilka geysatay, waxaana intaasi ka dib ninkaasi oo ciidamada u farmuuqay halka ay joogaan labada kale, iyadoona lagu guuleystay in lasoo qabto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here