Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaatay madaxda Jubaland,

0
76

Kismayo (RKGS) Wafdi isugu jira Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo uu hoggaaminaayey  ku-xigeenka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte  ayaa gaaray magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka doladda Jubbalannd.

Wafdiga Ra`iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Taliyayaal ciidan, iyo Xildhibaanno, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Xubno sar sare oo ka tirsan Maamulka Jubaland.

Wafdiga waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan  dowlad goboleedka Jubbaland,iyagoo isla soo qaaday xaaladda dalka iyo halka ay marayaan barnaamijyada kutalagal ee u qorsheysan xukuumadda iyo maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here