RASMI:- Proff Axmed Ismaaciil Samatar oo xubin ka noqday xisbiga Kulmiye ee Somaliland

0
85

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku dhowaaqay inuu ku biiray xisbiga Kulmiye oo kamid ah xisbiyada ka jira  maamulka Somaliland.

Axmed Ismaaciil Samatar oo muddo dheer macallin ka ahaa Jaamacadda Macalester ee Gobolka Minnesota horeyna ugu tartamay jagada madaxweynenimada Soomaaliya ayaa sheegay in muddo labo sano ah uu ka fiirsanayay xisbiga uu ku biirayo latashi farabadana uu sameeyay kahor intii uusan ku biirin xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye.

“Dad baan la tashaday dibada iyo gudaha jooga muddo labo sanadood ah ayaan waday la tashigaas kadibna waxaan gartay in  xisbiga kulmiye uu yahay meel aan ku biiri karo.”ayuu yiri Proff Samatar.

“Waxaan ku heshiinay inaanka qeybgalo talada iyo aragtida xisbiga iyo adkeynta xisbiga uuna noqdo mid u bisil ummada Somaliland oo dhan,”ayuu yiri Proff Samatar.

Aqoonyahankan Soomaaliyeed ayaa warkan ka sheegay magaalada Boorama oo ah halka uu ka soo jeedo, hase yeeshee Proff Samatar ayaan sheegin in uu yahay musharax madaxweyne.

Proff Samatar ayaa waxa uu kamid ahaa musharixiinta madaxtinimada dalka Soomaaliya sanadkii 2012, waxana uu hore uga mid ahaa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Waqoyi ee aaminsanaa midnimada dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here